Dowladda dhexe iyo bangiga adduunka oo maalgelinaya machadyada macallimiinta

0
241

Dowladda dhexe iyo bangiga adduunka ayaa lagu wadaa inay iska kaashadaan tayeynta 35 xarumood oo ah machadyada dowliga ah ee lagu tababaro macallimiinta dugsiyada hoose dhexe.
Barnaamijkan oo loo yaqaano (KPEELP) ayaa la doonaya in lagu xalliyo sinnaan la’aanta ka jirta machadyadan.
Isku duwaha qaran ee mashruucan ,Martha Ekirapa ayaa sheegtay inuu saameyn wayn ku yeelan doono xarumaha bixiya tacliinta aasaasiga ah iyo si guud waaxda waxbarashada ee dalka.
Ekirapa ayaa intaasi ku dartay in qorshahan uu sidoo kale xoojin doono qaabka loo maamulo 542 oo ah dugsiyada hoose dhexe ee ku kala yaalla 10 ismaamul.
Dugsiyadan ayay ku sheegtay kuwa ardayda dhigta ay ku hooseeyaan dhanka wax akhrinta iyo xisaabaadka.