Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka Prof. Njuguna Ndung’u ayaa shaaciyay in dowladda Kenya ay xilligan lacag la’aan soo foodsaartay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda ay xita la daala dhacaysa bixinta mushaaraadka shaqaalaha.
Wasiirka ayaa baarlamaanka u sheegay in ay dadaalayaan balse ay dhab ahaantii xaaladdu adag tahay.
Waxaa uu ka jawaabayay cabasho ka timid xildhibaannada baarlamaanka oo ay ku doonayaan in si degdeg ah loo soo saaro lacagaha lagu horumariyo deegaannada ee NG-CDF.
Wasiirka ayaa xusay inuu isku dayi doono in arrintan xal loo helo.
Guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa wasiirka kula taliyay inuu dib u dhigo adeegsiga miisaaniyadda loo qoondeeyay mashaariicda dib loo dhigi karo.
Wasiirka maaliyadda ayaa caqabadda dhaqaale ee dalka ka jirta uu aaneeyay in maamulka canshuurta ee KRA uunan soo uruurin qiimihii canshuurta ee la doonayay si uu sare ugu kaco dakhliga dowladda.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Kenya ay ka soo gudubtay abaar daran oo ay saameyn ka dhalatay ka dibna la galay roobabka culus ee El-Nino oo uu sheegay in dowladdu ay labaduba dhaqaale badan ku bixisay la tacaalidooda.




