Maxkamad ku taalla dalka Chad ayaa xabsi xukun ah ku ridday ugu yaraan 260 ruux ka dib markii lagu soo oogay dacwado ah inay ka qayb qaateen dibadbaxyo.
Mudaharaadyada oo looga soo horjeeday dowladda Chad ayaa dhacay bishii Tobnaad ee sanadkan.
Dadka la xukumay ayaa xabsiyada ku jiri doono inta u dhexeysa labo ilaa saddex sano.
Qareennada u doodayey eedeysanayaasha ayaa maxkamadeyntooda ku tilmaamay sharci darro.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii la dacweeyay 401 qof.
Dacwad oogaha guud ee Chad Moussa Wade Djibrine oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in eedeysanayaasha xukunnada xabsi la saaray ay yihiin 262, sidoo kale 80 ka mid ah ayaa la saaray ganaaxyo halka 59 kale la siidaayay ka dib markii wax dembi ah lagu waayay.




