Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyey in Kenya iyo Congo ay si wadajir ah dib u eegis ugu sameyn doonaan shuruudaha la xiriira dal ku galka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay qayb ka tahay qorsho fog oo lagu xoojinaya iskaashiga ganacsi ee labada dal.
Ruto oo xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay wasiirka qorshaha gobolka ee Congo Jacques Bouya iyo ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha dalkaasi ,Denis Sassou ayaa xusay in tani ay sii ballaarin doonto isdhexgalka iyo maalgashiga.
William Ruto oo hadal ka jeediyay madal kale ayaa sheegay in dowladda Kenya ay diiradda saareyso sare u qaadidda xiriirka dibloomaasiyadeed ee kala dhexeya waddamada kale ee caalamka.
Kenya and the Republic of the Congo will jointly review visa requirements for their citizens as part of our long-term plan to install a business-friendly regime in the region. pic.twitter.com/Spme8f2n5w
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) March 1, 2023
Met Jean-Jacques Bouya, the Minister of State of Regional Planning, Infrastructure and Road Maintenance of the Republic of the Congo and Special Envoy of President Denis Sassou Nguesso at State House, Nairobi. pic.twitter.com/0gaisJQ0Ka
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) March 1, 2023