Dowlada Soomaaliya oo sheegtay inay qabteen shabkad hubaysan

0
375

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Howlgal qorsheysan oo ay hormuud ka ahaayeen Ciidanka Howlgallada gaarka ee Taliska Nabad Sugidda Gobolka Banaadir laga fuliyay Degmada Kaxda iyo Deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.
Howlgalka ayaa lagu sheegay in lagu soo qabtay shabakad ka hawlgali jirtay qeybta galbeed ee Gobolka Banaadir iyo hub kala duwan oo iskugu jira qoryaha fudud, rasaasta Hobiyaha, Bambooyin iyo qorayga RBG-ga ama baasuukaha.
Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in Shabakadan oo ka koobnayd rag iyo dumar ay Sirdoonka Soomaaliya burburiyeen, ayna ku dabajiraan Xubnihii ka haray shabakadaan iyo qori Hobiye ahaa oo ay ummadda ku dhibaatayn jireen.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in howlgallo laga fuliyay Magaalada Muqdisho lagu qabtay hub iyo Xubno katirsan Al-Shabaab oo qaarkood shabkado isku xidhan ahaayeen.