Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Xiriirka kala dhexeeya Dalka Jabuuti

0
550

Kadib Markii Gudi Xaqiiqo Raadin ah oo ka Socday Dalka Jabuuti ay Sanadkii hore Soo saareen Warbixin ay kaga Hadleen Waxyaabo Xiligaas ay dowlada Soomaaliya ku eedaysay dhigeeda Kenya oo ay ka oo ahayd Xadgudub, warbixintaasna aysan dowlada Soomaaliya ku Qancin ayna sheegtay inaysan gudigu ka run sheegin Xaqiiqadii jirtay ayaa waxaa intaasi ka dib soo baxay Warar sheegaya in wixii Xiligaas ka danbeeyay uusan wanaagsanayn Xiriirka ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti waxaana arintaas hada ka hadlay Wasiirka Wasaarada arimaha Dibada ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa sheegay in wadanka Jabuuti uu yahay dal ay Soomaaliya walaalo yihiin sidoo kale ay Jirtay in Dowlada Soomaaliya aysan Faraxgalin Warbixintii uu soo Saaray Gudigu balse aysan Saamayn ku yeelan Xiriirka labada dal waxkastana siday ahayd loo wajahay.
Wasiirka ayaa Intaasi ku daray inaysan Marnaba Doonayn in shucuubta labada wadan ay Saameeyaan hadalo laga yaabo inay Xanaf leeyihiin oo mararka qaarkood la is dhaafsado arimo jira awgood.

Dhanka kale wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa ka hadlay wararkii todobaadyadaan la isla dhexmarayay kuwasoo sheegayay in Dowladda Qatar ay dedaal ku bixineyso heshiis ay Kheyraadka Badda ku wadaagayaan Soomaaliya iyo Kenya wuxuuna Wasiirku Tilmaamay Inay Markasta Sugayaan go’aanka Maxkamada.