Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxaay weli howlgallo kala duwan ka wadaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo dagaalo culus ay kula galeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in howlaglalda ay yihiin kuwo degaano badan lagula wareegay, isla markaana qasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.
Wasiirka oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada ay Ciidamada ka fulin doonaan degaano kale oo ka tirsan dalka, waxaana uu ugu baaqay Taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo Saraakiisha kale inay kordhiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Labadii Todobaad ee la soo dhaafay ayaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab waxaa dagaalo xoogan ay ku dhexmarayeen degaano hoostaga Magaalada Jowhar & degmada Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana la sheegay in ciidamada ay la wareegeen degaano dhowr ah oo horay ay shabaabku ugu sugnaayeen.