Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay duqaymaha gobolka Mudug

0
514

Diyaaradaha Drones-ka ee Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay deegaanno u dhexeeya degmada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug halkaas oo ay ku sugnaayeen koox ka tirsan Al Shabaab ,sida ay sheegtay dowladda.
Duqeynta waxaa barbar socotay dagaal ka dhan ah kooxda oo ku lug lahaayeen militeriga Soomaaliya iyo ciidamada maamulka Galmudug.
Dowladda waxay sheegtay in duqeynta lagu burburiyay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen halkaas.
Waxaa halkaas ka socday howlgallo baraallan oo Shabaab looga saarayo deegaanada dhaca Galmudug.