DHEGEYSO:Dowlada oo magdhaw siinaysa nin dhawaan uu soo weeraray Mas

0
378

Dowlada dhexe ee dalka ayaa la filaya in maalmaha nagu soo aadan ay magdhaw siiso nin dhawaan ka soo muuqday baraha bulshada isagoo Booliiska uga dacwoonaya mas weyn oo ka dilay eeygiisa uu jeclaa.
Ninka ay qabsatay dhacdadan ayaa mas ku soo weeraray beer uu ku lahaa Tuulada Luoka ee degmada Madungu ,deegaanka Ugunja, ee ismaamulka Siaya.
Charles Osore oo 52 jir ah ayaa la sheegay inuu soo farageliyay markii maskii weynaa uu weeraray eygiisii ,Nasiib darro, caawinta ayaa timid goor dambe markii eygu dhintay.
Dhacdadan, oo soo jiidatay dareenka Kenyaanka, ayaa keentay booqasho ay ugu tageen koox ka socota waaxda Adeegga Duurjoogta Kenya (KWS) oo ay hoggaaminaysay Grace Kariuki, oo ah Ilaaliyaha Sare ee ismaamulada Kisumu iyo Siaya.
Isagoo ka hadlayay guriga Mr. Osore, Kariuki ayaa uga mahadceliyay la shaqeynta mas’uuliyiinta inkastoo uu waayay eygiisa, isagoo sheegay inay booqdeen si ay u taageeraan oo ay u bilaabaan habka magdhowga.