Dowlada ismaamulka Siaya oo shaqada ka ceyrisay 382 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka

0
407

Ugu yaraan 382 oo shaqaale caafimaad ah ayay maamulka dowladda Siaya shaqada ka ceyriyeen kadib markii ay sheegeen in si aan caadi ahayn loogu shaqaaleysiiyay dukumeenti been abuur ah, taasi oo caro iyo jahawareer ka dhex abuurtay dadka sheegay in ay bilooyin ku shaqeynayeen mushaar la’aan.
Sida laga soo xigtay maamulka dowlad deegaanka, baaritaan lala sameeyay waaxda dambi baarista ayaa muujiyay khaladaad weyn oo ka jira habka qorista.
Ismaamulka ayaa sheegay in arrintan ay timid kadib markii in ka badan 500 oo qof ay ka cawdeen mushaar la’aan inkastoo ay ka shaqeeyaan goobo caafimaad oo kala duwan.
Madaxa fulinta ee guddiga adeega dadweynaha ee ismaamulka Siaya, Wilfred Ouma Nyagudi, ayaa sharaxay in baaritaanka uu daaha ka qaaday khilaafaad muuqda.
Waxaa uu xusay in guddiga uu ku amray shaqaalaha ay arrintani saamaysay in ay soo bandhigaan warqadaha magacaabista, bixinta, howlgelinta iyo imaanshaha si loo ansixiyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in sidoo kale la baaray saxiixyada guddoomiyaha guddiga adeega dadweynaha ee degmada si loo ogaado in been abuur la sameeyay iyo in kale.
Si kastaba ha ahaatee shaqaalihii ay saamaysay shaqa joojinta ayaa diiday natiijada, iyaga oo ku adkaystay in si sax ah loo shaqaaleysiiyay, si hufan loogu adeegay, oo ay xitaa dhammeeyeen muddadii tijaabada.