Tirada dadka ka qayb galaya shirka dowlad wadaajinta oo la dhimay

0
426

Golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada wadanka ee (CoG) ayaa sheegay in 3,000 oo qof keliya ay ka qayb geli doonaan shirweynaha arrimaha dowlad wadaajinta ee sanadkan.
Kulankan oo noqonaya midkii toddobaad ayaa laga billaabo 23-ka ilaa 26-ka bishan lagu qabanayaa ismaamulka Makueni.
COG ayaa maanta shaacisay in 1,000 ka mid ah wufuudda shirka ka qayb galaysa ay yihiin saaxiibada Kenya ee dhanka horumarka.
Guddoomiyaha golaha barasaabyada dalka ahna madaxa ismaamulka Embu, Martin Wambora ayaa sheegay inay khasab tahay in cudurka COVID19 laga tallaalo cid kasta oo xaadiraysa shirka ka qabsoomi doono dugsiga sare ee wiilasha ee Makueni ee ku yaalla magaalada Wote.
Waxaa uu intaasi ku daray in wasaaradda caafimaadka ee dalka ay xaqiijin doonto dokumeentiga muujinaya in qofka laga tallaalay caabuqa.
Sidoo kale Mr. Wambora ayaa xusay in dowlad deegaanka Makueni uu leeyahay 11 xarumood oo ah kuwa sida gaarka ah loogu daryeelo shakhsiyaadka uu cudurka soo ritay.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr.Charles Keter ayaa dhankiisa kulanka ku tilmaamay mid ku soo beegmaya xilli habboon maadaama berri magaalada Glasgow ee Scotland lagu soo gabagabeynaya shirka looga arrinsanayo isbeddelka ku yimaado cimillada.
Waxaa uu tilmaamay in Kenya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee qabto shir ku saabsan sida la isku waafajin karo horumarka iyo xallinta caqabadda dhanka cimillada.
Keter ayaa intaasi ku daray in dib loo eegi doono horumarrada la gaaray 10-kii sano ee ugu dambeeyay si wax looga qabto caqabadaha