Dowlad deegaannada oo lagu boorriyey inay cusbooneysiiyaan xogta tacaddiga jinsiyadeed

0
360

Guddoomiyaha guddiga qaran ee jinsiyadda iyo sinnaanta Dr. Joyce Mwikali ayaa dowladaha ismaamullada kula talisay inay uruuriyaan haddii ay hayaanna ay cusbooneysiiyaan xogaha ku saabsan tacaddiga jinsiyadeed ee loo yaqaano GBV.
Baaqan ayay ka soo saartay aqoon iswaydaarsi hal maalin socday oo lagu qabtay magaalada Nanyuki.
Dr. Mwikali ayaa hoosta ka xarriiqday in guddiga ay hoggaamiso uu macluumaadkan u adeegsan karo inay warbixinno ka soo saaraan horumarka laga gaaray dhanka sinnaanta iyo in laga xoroobo takoorka.
Dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto ayaa bulshada Kuria ee ismaamulka Migori ugu baaqay inay soo afjaraan gudniinka fircooniga ee FGM-ka ee ay gabdhaha ku sameeyaan.