Douglas Kanja oo ballan qaaday in tiknolojiyadda lagula dagaallami doono burcadnimada

0
520

Douglas Kanja oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka ayaa ballan qaaday in haddii magacaabidiisa uu baarlamaanka ansixiyo uu xaqiijin doono in horumarka tiknolojiyadeed loo adeegsado howlgallada lagula dagaallamo burcadnimada ee saameeyay ismaamullada Waqooyiga Gobolka Rift Valley.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli ay si wadajir ah su’aallo u waydiinayeen xubnaha guddiyada baarlamaanka iyo aqalka sare ee maamulka , amniga gudaha , gaashaandhigga iyo xiriirka dibadda.
Douglas Kanja ayaa carrabka ku adkeeyay in iyadoo la isticmaalaya adeegyada tixraaca ama dabagalka lala socon doono xoolaha si loo soo celiyo kuwa ku sugan meel ka baxsan dhul-daaqsimeedka loo jaangooyay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dilalka aan loo fiirsan ee ay laamaha ammaanka gaystaan ay yihiin kuwo baal marsan xeerarka dastuuriga ee dalka .
Waxaa uu ballan qaaday inuu hubin doono in adeegga qaran ee booliiska ee NPS uu kenyaanka ugu adeego si waafaqsan sharciga dalka lagu maamulo.
Waxaa uu doonaya inuu buuxiyo jagadii uu bishii Toddobaad ee sanadkan iska casilay taliyihii guud ee ciidamada booliiska dalka Japheth Koome.