Doorashooyinka hoose ee Turkiga oo maanta la qabanaya

0
171

Waxaa maanta dalka Turkiga ka billowday doorashooyinka maamullada hoose ee wadankaasi.
Goobaha codbixinta oo furmay abaare 7-dii subaxnimo ee saacadda dalkaasi ayaa la soo xiri doonaa 5-ta galabnimo.
Natiijooyinka horudhaca ah ayaa la filayaa abaare 10-ka habeennimo ee caawa.
Waxaa in ay codkooda dhiibtaan u qalma ilaa 61 milyan oo qof.
In ka badan hal milyan oo dadkan ka mid ah ayaa markii ugu horreysay codeynaya.
Doorashooyinka ayaa lagu qabanaya magaalooyinka kala duwan, degmooyinka iyo maamullada dariska la ah.
Waxaa la howlgeliyay oo amniga doorashada sugaya 594,000 oo ciidamo ah sida laga soo xigtay wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga Cali Yerlikaya .