Doorasho ka dhacaysa Spain

0
318

Waxaa abaare 7-dii subaxnimo ee saaka furmay goobaha codbixinta ee dalka Spain.
Tartanka ugu adag ee dhanka hoggaanka ayaa u dhexeya Ra’iisul Wasaare Pedro Sanchez oo ka tirsan xisbiga (PSOE) iyo madaxa xisbiga midigta fog ,Alberto Nunez Feijoo.
Pedro Sanchez ayaa xukuumadda Spain hoggaaminayay tan iyo sanadkii 2018 iyadoo waxyaabihii uu la tacaalay ay ka mid yihiin cudurka COVID-19 iyo sicir barar ka dhashay duullaanka militari ee uu Ruushku ka wado dalka Ukraine.
Waxaa ka qayb qaadashada doorashada Spain isku diiwaangeliyay 37.4 milyan oo codbixiyeyaal ah.
Sidoo kale waxaa lagu tartamaya kuraasta aqalka hoose ee dalkaasi oo gaaraysa 350 iyo sidoo kale aqalka sare oo ah in ka badan 200.
Ra’yi uruurin horay loo sameeyay ayaa lagu saadaaliyey inuu doorashada ku guulaysan karo musharraxa xisbiga midigta fog.