Doorasho ka dhacaysa dalka Bangladesh

0
236

Muddo rabshado ah kadib shacabka Bangladesh waxa ay saaka u dareereen goobaha codbixinta, iyaga oo aad ugu faraxsan in ay codeeyaan.
Waxaa aad loo adkeeyey amniga goobaha codbixinta iyo guud ahaan dalka, iyada oo laga baqayo in ay rabshado dhacaan.
Si kastaba ha ahaatee, Awami League waa laga mamnuucay doorashadan, taasoo shaki gelinaysa in codbixintani dhab ahaan xor iyo caddaalad tahay.
Awami League waa xisbiga ay hogaamiso Sheik Xasina oo ahayd ra’iisul wasaarihii 10aad ee dalka Bangladesh, iyada oo xilka looga qaaday banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday.
Magaalada Gopalganj oo ah meel ay Awami League ku xooggan yihiin ayaa waxaa lasoo sheegay in xarumaha codbixintu ay saaka ahaayeen kuwo inta badan maran.
Laakiin xarumaha codbixinta ee Dhaka, waxaa joogay dad badan oo codkooda dhiibanayay saacaddii ugu horreysay, qaar ka mid ahna waxay sheegeen inay rajeynayaan in doorashadan ka dib ay dalka ka hanaqaadi doonto dimuqraadiyad dhab ah.