Waxaa uu qorshuhu yahay in 14-ka bishan Labaad dadweynaha dalka Indonesia ay ka qayb qaataan doorasho ay ugu codeyn doonaan madaxweyne, madaxweyne ku xigeen , xildhibaanno iyo wakiillada deegaannada hoose.
Waxaa inay codeyaan isku diiwaangeliyay in ka badan 204 milyan oo ka mid ah ugu yaraan 270 milyan oo ruux oo ku nool Indonesia.
Guddiga doorashooyinka ee dalkaasi ayaa sanadkii 2019-kii sheegay in doorashadii xilligaasi qabsoontay ay u soo baxeen boqolkiiba 81.
Waxaa Indonesia ka jiro 18 xisbiyo qaran ah.
Xildhibaannada ayaa ku tartami doono 575 oo ah kuraasta baarlamaanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweyne Joko Widodo uu dhameysanaya muddo xileedkiisi labaad.
Waxaa xilalka ugu sarreeya ee Indonesia ku tartami doono saddex musharraxiin madaxweynayaal iyo ku xigeenadooda oo ay ka mid yihiin taliye hore oo militari iyo aqoonyahaan.