Waxaa berri oo ay taariikhdu tahay 8-da bisha Labaad dalka Pakistan ka qabsoomi doono doorashooyinka heer qaran iyo kuwa goleyaasha gobollada.
Dadweynaha ayaa deegaan kasta ka dooran doono labo xeer dejiyaal oo ku kala matalaya dowladda federalka iyo maamulka gobolka.
Waxaa xilalka qaran ku tartamaya 5,121 oo musharraxiin ah halka loolanka goleyaasha gobollada Pakistan uu u dhexeeyo 12,695 musharraxiin ah.
Waxaa dhanka kale jiro walaac laga qabo in la farageliyo natiijada doorashada iyadoo waayihii ugu dambeeyay siyaasad ahaan la bartilmaameedsanayay xisbiga ugu wayn ee mucaaradka Pakistan ee PTI iyo hoggaamiyahooda horayna u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii wadankaasi Imran Khan.
Sidoo kale waxaa la billaabay in warqadaha codeynta loo qaybiyo ugu yaraan 90,000 oo ah goobaha codbixinta.
Ololaha musharraxiinta ayaa ku ekaa xalay waxayna codeyntu billaaban doontaa 8-da subaxnimo ee Khamiista iyadoo ay dadweynaha codkooda dhiiban doonaan ilaa 5-ta galabnimo.
Waxaa Pakistan ku nool ilaa 245 milyan oo qof waxaana inay codeeyaan u qalma 128 milyan.