Doorasho guud oo berri ka dhacaysa dalka Iiraan

0
450

Waxaa uu qorshuhu yahay in berri ay qabsoonto doorashada guud ee dalka Iiraan.
Waxaa u tartamidda hoggaanka ugu sarreeya ee waddankaasi loo ansixiyay 6 musharraxiin ah.
Doorashadan ayaa xilligeedi laga soo hormariyay ka dib markii bishii hore ee May uu shil diyaaradeed ku geeriyooday madaxweynihii Iiraan Ebrahim Raisi .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo in dadweynaha aynan si wayn ugu soo bixin ka qayb qaadashada codeynta.