Shacabka dalka Uzbekistan ayaa maanta ka qayb qaadanaya codeyn afti ah oo la doonaya in lagu beddelo muddo xileedka dastuuriga ee madaxweynaha wadankaasi.
Haddii aftidan ay meel marto madaxweyne Shavkat Mirziyoyev oo hoggaanka qabtay sanadkii 2016-kii ayaa xilka sii hayn doono 14 sano oo dheeraad ah.
Muddo xileedka oo hadda ah shan sano ayaa la doonaya in laga dhigo toddobo sano waxaana madaxweynaha Uzbekistan loo oggolyahay inuu hoggaanka hayo labo xilli.
Maamulka madaxweyne Mirziyoyev oo 65 sano jir ah ayaa qabo in aftida ay horseedi doonto isbeddelo la xiriira xuquuqul aadanaha.
Goobaha codbixinta oo furmay abaare 8-dii subaxnimo ayaa soo xirmi doono 8-da fiidnimo.