Doorashada xilka madaxtinimo ee Turkiga oo u muuqata in la aadayo wareeg labaad

0
237

Waxaa socota tirinta codadka doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga, taas oo u muuqata inay ku sii socoto in la aado wareeg labaad.
Madaxweynaha hadda talada wadankaasi haya Recep Tayyip Erdoğan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kılıçdaroğlu, labaduba waxay sheegeen inay aqbali doonaan tartanka wareegga labaad.
Musharraxa wuxuu u baahan yahay boqolkiiba 50 codadka la dhiibto si uu u guuleysto.
Erdoğan iyo Kılıçdaroğlu ayaa mid walba u sheegay taageerayaashiisa inay u maleynayaan inay guuleysan karaan.
Tirada dadka u soo baxay codeynta ayaa lagu sheegay boqolkiiba 85.14.
Doorashadan ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo dalka uu la daala dhacayo sicir barar xooggan, dhawaana ay ka dhaceen dhulgariirro aad u ba’an.
Codadka ilaa iyo hadda la tiriyay waxaa hoggaaminaya madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.
Hoos ka akhriso sida ilaa iyo hadda u kala horreeyaan musharrixiinta.
Erdogan (AKP)
49.42%
Kilicdaroglu (CHP)
44.95%
Ogan (ATA Alliance)
5.20%
Ince (Homeland Party)
0.43%