Xisbiga UDA ayaa isu diyaarinaya inuu qabsado doorasho ka mid ah kuwii ugu balaarnaa ee xisbiyadda hoose ee dalka ka dhici doona Sabtida , iyadoo la filayo in si mug leh looga qayb galo guud ahaan dalka.
Sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee xisbiga, 310,651 musharrax ayaa isu diiwaangeliyay si ay ugu tartamaan jagooyin hoose oo kala duwan oo ka kala socda 20 ismaamul, taas oo ka badan 237,940 xafiisyada xisbiyada ee jira.
Barnaamijkan waxa uu ka dhici doonaa 12,000 oo xarumo codbixineed oo dalka oo dhan ah.
Gobolka Mt Kenya ayaa u muuqday mid si weyn diirada loogu saarayo doorashada, iyadoo dhowr ismaamul laga soo sheegayo tirada musharixiinta.
Ismamaulka Meru ayaa hogaaminaya 35,343 musharax marka loo eego saadaasha hore ee 21,000. Kiambu waxa isu diiwaan galiyay 21,000 musharax, Murang’a 20,880, Nyandarua 18,665, Nyeri 16,448, Kirinaga 14,000, iyo Embu 15,881.
Gobolka Rift Valley, countiga Nakuru ayaa diiwaan geliyay 30,010 musharax, Laikipia 2,958, iyo Bomet 25,350. Degmooyinka kale ee gobolka waxaa ka mid ah Nandi oo leh 15,220, Uasin Gishu 13,570, Kericho 5,967, Baringo 11,842, Samburu 4,386, iyo Elgeyo/Marakwet 7,236.
Galbeedka Kenya ayaa sidoo kale laga arkay ka qaybqaadasho xooggan, iyadoo Kakamega uu diiwaan geliyay 32,677 musharax, Vihiga 7,327, iyo Trans Nzoia 7,825.
Guud ahaan, 223,425 murashax ayaa wajihi doona tartamo, halka 80,038 ay yihiin kuwa aan lala tartami doonin.




