Doorashada xilalka guddoomiyaha ismaamullada Mombasa iyo Kakamega ee horraan dib loo dhigay, ayaa hadda la qaban doona 29-ka bishan ee toddobaadka dambe sida uu shaaca ka qaaday guddiga doorashooyinka dalka ee IEBC.
Sidoo kale doorashooyinka xilalka xildhibaananimo ee deegaanka Koonfurta Pokot, Kacheliba oo ka tirsan ismaamulka galbeedka Pokot iyo Kitui Rural ayaa iyagana taarikhdan la qaban doona.
Guddiga IEBC ayaa go’aankan soo saaray ka dib markii maanta ay kulan gaar ay la yeesheen musharrixiinta xilalkan u tartamaya .
Waxaa ayna labada dhinac isku raaceen in taarikhdaasi la qabto doorashooyinkan.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati ayaa horraan sheegay in la hakiyay doorashada xilalka barasaabnimo ee ismaamullada Mombasa iyo Kakamega ka dib markii qalalaad dhanka magacyada iyo sawirrada musharraxiinta ah lagu arkay warqadaha codbixinta.
Doorashooyinkan dib loo dhigay ayuu qorshuhu ahaa in 23-ka bishan la qabto, ka hor inta aysan dib u dhigin muddo aan la cayimin toddobaadkii hore, iyagoo u sababeeyay caga jugleyn lagu hayo shaqaalaheeda IEBC.
The 8 elections will be held on 29th of August 2022. The Commission assured the candidates that the elections will be free, fair and credible. pic.twitter.com/7VBWonsIac
— IEBC (@IEBCKenya) August 22, 2022