Diyaaradaha caalamiga ah oo hakiyay duullimaadyadii garoonka ee Ben Gurion, Israa’iil

0
413

Dhowr diyaaradood oo ajnabi ah sida shirkadda qaranka Jarmalka ee Lufthansa ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Tel Aviv ka dib weerarkii cirka ee Xuutiyiinta ee lagu garaacay garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion.
Sida laga soo xigtay The Times of Israel, shirkadaha kale ee diyaaradaha sida Air France, SWISS, Austrian Airlines, Brussels Airlines, iyo Hungarian-ka ee Wizz Air ayaa sidoo kale hakiyay duulimaadkooda ilaa ugu yaraan Talaadada.
Diyaaradda Isbaanishka ee Air Europa ayaa sidoo kale joojisay duulimaadkeedii u qorshaysnaa ee ay ku tagi lahayd Madrid kuna sii jeeday Tel Aviv, iyadoo sabab uga dhigaysa “sababo ammaan.