Diyaarad sidday madaxweynaha Iiraan oo shil gashay

0
231

Waxaa si degdeg ah u degtay mid ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Helikobtarka oo la rumeysan yahay in ay sidday madaxweynaha dalka Iiraan Ebrahim Raisi iyo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi Hossein Amirabdollahian.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa ku warramaysa in diyaaraddu ay ku degtay gobolka bari ee Azerbaijan.
Tani ayaa loo aaneeyay cillad dhanka cimillada ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in aynan caddeyn in madaxweynaha Iiraan uu diyaaradda dhacday la socday iyo in kale waxaana socdo howlaha samatabixinta.