Diyaarad sidday 22 qof oo lagu la’yahay Nepal

0
552

Waxaa la waayay diyaarad yar oo ay saarnaayeen 22 qof oo isugu jiray 19 rakaab ah iyo saddex shaqaale gudaha dalka Nepal.
19-ka qof ee rakaabka waxaa ku jiro 6 ajaaniib oo 4 ay ka soo jeedaan India iyo 2 u dhashay Jarmalka.
Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadka ee Tara Airlines ayaa ku wajahnayd magaalada buuralayda ee Jomsom.
Waxaa ay ka soo ambabaxday Pokhara oo masaafo dhan 200 oo kiiloomitir dhanka bari kaga beegan caasimadda dalka Nepal ee Kathmandu..
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda la waayay wax yar un ka dib markii ay soo duushay, cimillada oo aan wanaagsanayn awgeed.
Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Nepal oo lagu magacaabo Ramesh Thapa ayaa sheegay in aan dhacdadaasi faahfaahin dheeraad ah laga hayn in kastoo ay dadaallo raadin ah socdaan.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Nepal Phanindra Mani Pokharel ayaa laga soo xigtay in howlgallada baadigoobka ah ay ka qayb qaadanayaan labo ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Helikobtarka.