Diyaarad laga leeyahay Ukraine oo ku burburtay Giriigga

0
464

Waxaa lagu soo warramayaa in diyaarad laga leeyahay dalka Ukraine ay soo dhacday xilli ay maraysay wadanka Giriigga.
Warbaahinta maxalliga ee Giriigga ayaa ku warramaya in diyaaraddu ay siday ilaa 12 taan oo agab khatar ah oo u badan waxyaabaha qarxa.
Wakaaladda wararka ee AP ayaa qortay in Siddeed qof ay saarnaayeen diyaaradda.
Hasa ahaate saraakiisha ammaanka ee Giriigga ayaa sheegaya inaysan macluumaad gaar ah ka hayn diyaaradda iyo tirada rasmiga ee rakaabka.