Diyaarad ka timid Garoowe oo ku dhacday garoonka Aadan Cadde

0
367

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladan Muqdisho.
Diyaarad nooceedu yahay Embre 60-AAD oo 30 qaad ah islamarkaana ay lahayd Shirkadda HALLA Airline sida la xaqiijiyay ka timid magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.
Diyaaradda ayaa burburtay ka dib markii cillad aan wali la xaqiijin ay sababtay in diyaaraddu ay dhacdo markii ay dagaysay.
Ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradda laga dajiyay dadkii saarnaa oo lagu qiyaasay 34 ilaa iyo 35 ruux oo ahaa rakaabkii saarnaa, waxaana soo gaaray dhaawacyo sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Shirkadda lahayd diyaaradda garoonka ku dhacday ee HALLA.
Diyaaradda ayaa burburtay sida aan xogta ku helnay waxaana wali socda gurmadka loo fidinayo dadkii saarnaa
Kala soco Star FM wixii ku soo kordha qodobkan Insha Allaah.