Dilka nin madhow ah oo dibadbax ka abuuray Maraykanka

0
463

Toogasho ay ciidanka booliska ee magaalada Akron, gobolka Ohio ee Maraykanka u gaysteen nin madhow ah ayaa ka careysiisay shacabka.
Waxaa halkaasi ka dhacay dibadbaxyo lagu dalbanaya inay caddaalad helaan qoyska Jayland Walker oo 25 sano jir ahaa.
Dilka ayaa dhacay 27-kii bishii hore ee June.
Waxaa shaqada laga joojiyay saraakiil la rumeysan yahay inay falkaasi ka dambeeyeen iyadoo ay baaritaano socdaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqa magaalada Akron iyo taliyaha booliska la filayo inay maanta faahfaahin bixiyaan.
Saraakiisha ayaa qorsheynaya inay soo bandhigaan muuqaal ku saabsan sida uu dilku u dhacay.