Dil ka dhacay Laasacaanood iyo howlgalo halkaas ka socda

0
487

Wararka laga helayo Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dilay Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool.
Guddoomiyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Laba-go’le ayaa waxaa la sheegay in rag hubeysan ay toogteen, isla markaana dilka kadib ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaliland ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo baaritaano wallow aysan ku guuleysan inay Gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa Mararka Qaar ka dhaca dilal qorsheysan, iyadoo Maamulka Soomaliland oo gacanta ku haayo uu sheego inay xaqiijin doonaan ammaanka Magaaladaasi.