Diiwaangelinta wadayaasha mootooyinka oo maanta billaabanaysa

0
687

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta oo Isniin ah 28-ka bishan Saddexaad guud ahaan wadanka laga billaabo diiwaangelin hor leh oo loo sameynayo wadayaasha mootooyinka.
Barnaamijkan ayaa laga fulin doonaa xarumaha laga bixyo adeegyada aasaasiga ee dowladda ee loo yaqaano Huduma Centers.
Diiwaangelinta oo billaabanaysa 9-ka subaxnimo ayaa socon doonto ilaa 24-ka bisha Lixaad ee sanadkan.
Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhinaca waddooyinka ee NTSA ayaa bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in si uu wadaha dhudhugleyda isku diiwaangeliyo laga doonayo inuu sito aqoonsigiisa ama kibaandhaha qaran, nuqulka warqadda canshuur bixinta ee maamulka KRA iyo nambar taleefoon oo diiwaangashan kaasoo shaqeynaya.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa horay amar ugu bixiyay in la diiwaangeliyo wadayaasha mootooyinka si waaxdan dib u habeyn loogu sameeyo.
8-dii bishan ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalka uu amray howlgal ballaaran oo ka dhan ah wadayaasha mootooyinka ka dib markii qaar ka mid ah ay haweeney ku dhibaateeyeen waddada Wangari Maathai ee magaalada Nairobi.
Howlgalkaasi oo maalmo kooban socday ayay ugu dambeyn waaxda qaran ee adeegga booliska meesha ka saartay si culeyska looga dulqaado qoysaska ku tiirsan dakhliga ka soo galo gaadiidkan.
Dowladda ayaa sheegtay in diiwaangelinta looga gol-leeyahay in lagu aqoonsado ganacsatada rasmiga ee gaadiidkan ku shaqeysta si meesha looga saaro shakhsiyaadka ka midka ah ee gaysta falal dambiyeedyada ay ka mid yihiin dhaca iyo tacaddiga jinsiyadeed.