Diiwaangelinta musharraxiinta aqalka sare ee maanta Baydhaba ka bilaabanaysa

0
495

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ay ka bilaabato diiwangelinta musharixiinta u tartamaya Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliya qeybta ka imaaneysa degaannada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.
Shalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa uu Guddiga doorashooyinka u gudbiyay liiska 10 Xubnood oo kamid ah Musharixiinta Aqalka sare, kuwaasoo Maanta diiwaangelinta lagu bilaabayo.
Guddiga doorashooyinka Heer Maamul Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in Maanta la diwaangelinayo Musharixiinta Aqalka Sare, sidoo kalena ay bixinayaan lacagta diiwangelinta.
Waxay kaloo Guddigu ku dhawaaqeen in kama dambeys Maalinta Isniinta ee todobaadkaan oo taariikhdu ku beegan tahay 2/8/2021 ay Magaalada Baydhabo ka dhaceyso dooorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.
Xubnaha ku tartamaya aqalka Sare ee maanta la filayo in lagu diiwaangeliyo Magaalada Baydhabo una tartamaya 5 kursi oo kamid ah Aqalka Sare ayaa waxaay Magacyadooda kala yihiin.
1: Aadan Cabdinasir Maxamed
Maxamed Xasan Aadan
2: Dr. Xuseern Maxamed Daahir
Xasan Maxamed Nuur
3: Zamzam Ibrahim Cali
Shariifo Xaji Cusmaan Ibraahim
4: Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey )
Nuur Baabul Cadow
5: Ayaan Aadan Cabdulaahi
Farxiyo Nuur Aadan
Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa inuu noqdo Maamulkii labaad ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyadoo horay Maamul goboleedka Jubaland loogu doortay qaar ka mid ah Kuraasta aqalka Sare halka maamulada kale ee dalka Soomaaliya aysan wali wax dhaqdhaaqyo doorasho ah bilaabib.