Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo la soo gabagabeeyay

0
469

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa shalay soo gabagabeeyay wajiga labaad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Barnaamijkan ayaa soo billowday 17-kii bishii hore waxaa uuna ku ekaa maanta iyadoo diiwaangelinta laga fulinayay 1,450 oo ah deegaannada hoose ama wards ee ismaamullada dalka.
IEBC ayaa bartilmaameedsanaysay inay diiwaangeliso 4.5 milyan oo qof balse waxay u muuqataa inaysan tiradaasi ku guulaysan marka la eego walaaca ay saraakiishu ka muujinayaan sida hooseysa ee ay dadweynaha ugu soo baxeen barnaamijkan.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati ayaa maalmo ka hor sheegay in aan la kordhin doonin muddada diiwaangelinta ee codbixiyeyaasha.
Hasa ahaate Prof.Cabdi Yaaquub Guuliye oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee guddiga ayaa warbaahinta u sheegay in diiwaangelintu ay ka sii socon doonto xafiisyada IEBC ee deegaan baarlamaneedyada.
Dadweynaha ayaa weli fursad u haysta inay halkaasi tagaan si ay iskudiiwaangeliyaan, u beddeshaan goobta codbixinta ama haddii ay wax ka beddelayaan macluumaadkii lagu diiwaangeliyay.