Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa walaac ka muujiyey in rabshadaha dhanka deegaamaynta ee ka socdo Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin ay caqabad ku noqon karaan dadaallada lagu sii joogteynaya heshiiska xabbad joojinta ee Qaza.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay wax kasta sameyn doonaan si aynan taasi u dhicin.
Tani ayaa timid ka dib markii dhowr qof oo ah dadka deggan Daanta Galbeed oo wajiyada duubtay la soo tabiyey in ay gubeen xarumaha wax soo saarka beeraha iyo warshadaha ee Falastiiniyiinta.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay dhowr qof.
Madaxweynaha Israa’iil , Isaac Herzog ayaa weerarradaasi cambaareeyay wuxuuna maamullada ugu baaqay in ay qaadaan tallaabooyin adag oo dhaqankaasi lagu cirib tiraya.




