Khuburro ka tirsan maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee NDMA iyo hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa sheegay in abaarta ka jirta qaybo ka mid ah Kenya ay gaari karto heer halis ah.
Waxay sheegeen in xaaladda ay sii adkaan karto hadii gudaha wadanka aynan roobab culus ka da’in toddobaadyo kooban gudahood.
Madaxa fulinta ee maamulka NDMA James Oduor ayaa laga soo xigtay in Kenyaanka ay horay saameyn uga soo gaartay Ayaxii ku degay deegaano dhowr ah oo dhirta xaalufiyay.
Isku duwaha barnaamijyada hay’adda FAO Hamisi Williams ayaa dhankiisa sheegay inay billaabeen dadaallo ay kaga falcelinayaan culeyska taagan .
FAO ayaa gacan ka gaysanaysa suuqgeynta xoolaha sidoo kale in xoolaha ay helaan cunno lagu quudiyo iyo biyo.
Ismaamullada ku jiro heerka sare ee dhanka digniinta abaarta ayaa kala ah Garissa, Isiolo, Kilifi, Kitui, Mandera, Marsabit, Samburu, Tana River, Turkana iyo Wajeer.
Sidoo kale waxaa baaarta halis ugu jiro dowlad deegaanada Baringo, Kajiado, Kwale, Laikipia, Lamu, Makueni, Meru, Taita Taveta, Tharaka Nithi iyo galbeedka Pokot.
Hay’adda FAO ayaa intaasi ku dartay inay lacag dhan 8.7 bilyan oo shilin ku qarash gelin doonto barnaamijyada loogu gargaaraya shacabka ay sida gaarka ah u saameysay abaarta.
Dhawaan ayay ahayd markii uu wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Eugene Wamalwa uu sheegay in 2 bilyan oo shilin loo qoondeeyay la tacaalidda saameynta abaarta.