Xildhibaanka deegaanka Kimilili ee ismaamulka Bungoma, Didmus Barasa ayaa ku hanjabay inuu baarlamaanka u gudbin doono isbeddel dastuuri ah oo lagu xaddidaya awoodaha maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee (IPOA).
Waxaa uu ku doodaya in maamulkan uu ka tallaabsaday waajibaadkiisa oo uu cabsi ku beeraya adeegga qaran ee booliiska ee (NPS).
Arrintan ayuu ka sheegay shir jaraaid oo lagu qabtay xarunta baarlamaanka dalka .
Didmus ayaa booliiska ka difaacay dhaliilaha ka dhanka ah ee sii kordhaya kuwaasoo ka dhashay dilkii Albert Ojwang.
Waxaa uu sheegay in la cambaareeyo saraakiisha ammaanka iyadoo aan la tixgelin xaaladaha dhabta ah ee ay wajahaan marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.
Xildhibaanka ayaa xusay in ay la yaab ku noqotay qaabka ay dibadbaxayaasha ula dhaqmaan booliiska iyo siyaasiyiinta oo dhalleeceeya ciidamada.
Waxaa uu intaasi ku daray in haddii ay xaaladdu sidan ku sii socoto , in sarkaalka booliiska ah ay ku adkaan doonto xaqiijinta nidaamka maamulka ee kala dambeynta isagoo ka cabsanaya in dacwad lagu soo oogo.