Kumanaan ka mid ah shacabka dalka Australia ayaa ka qayb qaatay dibadbaxyo lagu dalbanaya in Qaza ay ka dhaqan gasho xabbad joojin degdeg ah.
Dadkan oo maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada Melbourne ayaa sidoo kale doonaya in ururka Xamaas ee dalka Falastiin uu siidaayo dadka uu gacanta uga dhigay Israa’iil ka dib weerarkii 7-dii bishii hore.
Warbaahinta Australia ee ABC ayaa ku warramaysa in dibadbaxayaasha ay dalbanayaan in Israa’iil ay joojiso duqeymaha ay ka wado Qaza.