Waxaa la filayaa in ay maanta qaybaha kala duwan ee waddanka ka dhacaan mudaaharaadyo ay dhallinyarada ku dalbanayaan inuu xafiiska banneeyo madaxweynaha dalka William Ruto.
Maamulka Kenya Kwanza ayay ku eedeynayaan in uunan weli oofin dalabaadkii da’yarta gaar ahaan la dagaallanka musuqmaasuqqa.
Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr. Gilbert Masengeli ayaa dhankiisa sheegay in ay sugi doonaan ammaanka dibadbaxayaasha iyagoo sharciga ilaalinaya.
Waxaa uu intaasi ku daray in laamaha ammaanka ay heleen xog sirdoon oo tilmaamaysa in ay jiraan shakhsiyaad doonaya in ay rabshado kiciyaan sidaasi awgeedna laga qaadi doono tallaabo adag oo dhanka sharciga ah.
Waxaa uu Mr. Masengeli dhanka kale dadweynaha ku boorriyay in ay feejignaadaan.
Sidoo kale waxaa uu ka digay in la tago meelaha sida gaarka ah u ilaashan sida baarlamaanka , madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee JKIA.