Dibadbaxyo ka socdo magaalada Ramallah ee Falastiin

0
550

Waxaa magaalada Ramallah ee ku taalla bartamaha Daanta Galbeed ee dalka Falastiin ka dhacaya dibadbaxyo.
Shacabka ayaa ka soo horjeedo safar uu halkaasi ku tagay Xogyahaha waaxda arrimha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.
Dadweynaha bannaanbaxa sameynaya ayaa hoosta ka xarriiqay in Maraykanka oo uu mas’uulkan matalaya uu qayb ka yahay gar-darrada ka dhanka ah shacabka Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu magaalada Ramallah kulan socday wax ka yar hal saac uu ku dhex maray xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken iyo madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas.
Madaxweynaha Falastiin ayaa dalbaday in Qaza ay ka dhaqan gasho xabbad joojin degdeg ah iyo in halkaasi la gaarsiiyo gargaarka baniaadannimo.
Waxaa sidatan wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Falastiin ahna wasiirka warfaafinta, Nabil Abu Rudeineh.