Waxaa maanta qaar ka mid ah ismaamullada waddanka sida Nairobi , Nakuru, Kajiado , Kisumu, Mombasa , Garissa, Kakamega , Uasin Gishu, Kericho , Marsabit iyo Narok ka qabsoomay mudaaharaadyada looga soo horjeedo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Ciidamada ammaanka ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday in ay kala eryaan dibadbaxayaasha oo sitay boorar ay ku qoran yihiin oraah ah in lagu gacan seyro hindise sharciyeedka maaliyadda.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka baarlamaanka dalka , xarunta madaxtooyada ee State House iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah.
Waxaa sidoo kale xiran goobaha ganacsiga ee bartamaha Nairobi.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa shalay sheegay in qofkii doonaya uu ka qayb qaadan karo dibadbaxa haddii uunan ku xadgudbayn xeerarka degsan .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ciidamada ammaanka ay sugayaan badqabka dibadbaxayaasha hasa ahaate, aynan marnaba ka gaabin doonin la tacaalidda cidii rabshad ku kacda.