Waxaa lagu soo warramayaa in dibadbaxyo ka dhacay caasimadda dalka Senegal ee Dakar ay ka qayb qaateen boqolaal qof.
Shacabka wadankaasi ayaa dalbanaya in doorashada guud ay qabsoonto ka hor 2-da bisha Afaraad ee sanadkan.
Waxaa xilligaasi ku eg muddo xileedka madaxweynaha hadda talada haya ee Senegal , Macky Sall.
Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin in ay madaxweynaha ku tilmaamayaan keligii taliye.