Dibadbaxayaa ayaa subaxnimadii maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada Nairobi qaasatan waddada University way oo uu ku yaalo saldhigga dhexe ee booliista ee Central iyagoo doonaaya in sharciga la hor keeno dhammaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geestay macallin Albert Ojwang’.
Albert oo 7-dii bishan June ku geeriyooday gacanta booliiska ayaa loo soo xiray kiis sumcad dil ah oo uu ka gudbiyay ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska dalka Eliud Kipkoech Lagat kazoo bayaan uu shalay soo saaray ku sheegay inuu xilka isaga tagay si uu u fududeeyo baaritaanadda ka dhanka ah eedeeymaha loo jeediyay.
Ila iyo hadda laba sarkaal oo booliis ah oo lagu kala magaacaabo Samson Talaam oo ah taliyaha saldhigga Central iyo James Mukhwana iyo qof rayid ah oo farsamo yaqaan ah ayaa loo xiray dhacdadan foosha xun.
Dibaxbayada saaka ayaa sidoo kale waxaa carqaladeeyay dhallinyaro mootooyin watay oo sida ay sheegeen qabanqabiyayaasha mudaharaadyada oo ay ka mid tahay Hanifa Aadan inay soo adeegsatay dowladda si loo hor istaago cadalaada loo raadinaayo Albert Ojwang’.