Dibadbaxyada mucaaradka oo dib u bilaaban doona

0
323

Mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo ayaa dib u bilaaban doona 2 bisha May ee sanadkaan 2023, sida uu sheegay isbahaysiga Azimio la Umoja.
Guddoomiyaha golaha fulinta ee Azimio Wycliffe Oparanya ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay maanta in dib u bilaabashada ay sabab u tahay isbahaysiga Kwanza ee Kenya oo ku guul daraystay in ay qabtaan wadahadalo laba geesood ah oo la isku fahmi kara.
Oparanya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Kenya Kwanza ay muujisay rabitaan la’aan ah in ay wax ka qabato dalabaadkooda oo ay ka mid yihiin wax ka qabashada qiimaha sare ee nolosha.
Waxa kale oo uu sheegay in Kenya Kwanza ay marar badan isku dayday in ay dhinaceeda ku darto xubnaha xulafada la ah Azimio la Umoja, taas oo xadgudub ku ah dimuqraadiyadda xisbiyada ee qaranka ayuu yiri Mr Oparanya.
Waxa uu soo hadal qaaday in Xildhibaanka Edlas Aadan Keynaan lagu daray kooxda Kenya Kwanza oo uuna sheegay in uu ka tirsan yahay Azimio.
Sida laga soo xigtay Oparanya Azimio waxaa wali ka go’an wada hadal ka baxsan baarlamaanka oo ah mid daacad ah.
Mudaaharaadyada waxaa ay kaliya ah ku koobnaan doonaan magaalada madaxda dalka Nairobo sida uu sheegay Guddoomiyaha golaha fulinta ee Azimio.
2-dii bishan April ayay ahayd markii xubnaha Mucaaradka ay joojiyeen banaanbaxyadooda ka dib markii madaxweyne William Ruto uu wadahadal ku soo dhaweeyay hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Raila Odinga si loo xaliyo tabashooyiinkooda.