Dibadbaxyaal iyo haweeneey ka tirsan Ciidamada Booliska oo ku dhaawacmay mudaaharaadyada socda

0
233

Dibadbaxyo xoogan ayaa waxaa ay ka socdaan ismaamulada Nairobi,Mombasa,Kajiado,Nakuru,Nyeri iyo dowlad deegaano kale.
Bartamaha caaismada dalka dibadbaxyada ka socda waxaa ku dhaawacmay dhawr qof oo ay ka mid tahay haweeneey ka tirsan ciidamada Booliska.
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dibadbaxyada ayaa loola cararay isbitaalka qaranka ee kenyaatta.
Dibadbaxyada ugu daran waxaa ay ka socdaan bartamaha caasimada dalka iyo wadada isku xirta Garissa iyo Nairobi ee Thika.
Ciidamo ayaa la geeyay goobaha muhiimka ah sida wadada gasha aqalka madaxtooyada ee state house iyo midda baarlamaanka.