Dibadbaxayaasha berri oo looga digay weeraro argagixiso ah

0
123

Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NIS) ee dalka ayaa soo saartay digniin ku saabsan in mudaaharaadyada siyaasadeed ee la qorsheeyay berri in ay dalka ka qabsoomaan ayaa looga cabsi qabaa in ay ku soo dhex dhuuntaan kooxaha argagixisada si ay u bartilmaamedsadaan dadka ajaanibta ee reer galbeedka ah iyo sido kale dadka rayidka ah ,si looga aargoosto weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee ku hayaan Iran.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday hay’adda NIS kooxaha argagixisada ayaa dibadbaxani uga faa’idasan kara weeraro.
Dibadbaxa berri ayaa looga dan leeyahay sannad-guuradii ka soo wareegtay 25-kii bishii lixaad ee sanadkii 2024-kii ay dhalinyarada Gen Z ku galeen aqalka baarlamaanka sido kalena ay ku waxyeeloobeen dhalinyaro badan .
Kenya ayaa ku jirta heegan sare oo dhanka amniga ah ,iyadoo laamaha ammaanka ay xoojiyeen ammaanka dalka si ay uga hortagaan hanjabaadaha iyo weerarrada suurtagalka ah.
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Garoomada diyaaradaha, safaaradaha, iyo meelaha ay dadku isugu yimaadaan .
Digniintan ayaa daba socota xiisad xooggan oo ka taagan bariga dhexe, ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu oggolaaday in la duqeeyo xarunta nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ah Iran ee Fordow .
Iran ayaa tan iyo xiligaas wacad ku martay inay ka aargoosan doonto mareykanka meel walba oo uu ku sugan yahay.
In ka badan 200,000 oo Kenyan ah oo ka shaqeeya gacanka ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato dagaalka ka qarxay bariga dhexe haddii xiisadda gobolka ay sii xumaato.