Dibadbax lagu dalbanaya in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Qaza oo lagu qabtay Maraykanka

0
242

Kumanaan qof oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada San Francisco ee gobolka California ee Maraykanka.
Dadkan ayaa dalbanaya in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Qaza .
Waxay doonayaan in Israa’iil ay soo afjarto duqeymaha ay halkaasi ka wado tan iyo 7-dii bishii hore ee Oktoobar.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dibadbaxayaasha oo sito calanka Falastiin iyo boorar ay ku qoran yihiin in Maraykanka uu joojiyo taageerada uu siinaya Israa’iil .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha Maraykanka joe Biden lagu wado inuu saaka la kulmo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping.