Dibadbax ka dhan ah koronta la’aanta oo xalay ka dhacay magaalada Wajeer

0
325

Dhalinyaro careysan waxaa ay xalay dibadbaxyo ka sameeyeen Magaalada Wajeer.
Dhalinyaradan ayaa cambaaraynayay koronta la’aanta ka jirta ismaamulka Wajeer iyadoo bil ramadaan lagu guda jiro.
Dibadbaxayaasha ayaa taayaro ku gubay wadooyiinka Magaalada Wajeer.
Tan ayaana keentay in ciidamada Booliska ay ku eryaan sunta dadka ka ilmaysiisa.
Muddooyiinkii la soo dhaafay shacabka Wajeer waxaa ay la daala dhacayeen koronto la’aan taasi oo keentay falcelin ka timid shacabka.
Sido kale ismaamulka Mandera ayaa iyaduna la dhibaatoonaysa Koronta la’aan xili maalintii saddexaad lagu guda jiro bisha kheyrka badan ee Ramadaan.