Dib u habeyn lagu sameynaya ciidamada ilaalada xeebta

0
192

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa sheegtay in caqabadaha amni ee ka jiro gobolka awgeed ay lagama maarmaan tahay in la adeegsado siyaabo cusub oo lagu xaqiijinaya badqabka kenyaanka.
Waxaa tani qayb ka ah dib u habeyn lagu sameynaya ciidamada ilaalada xeebta ee dalka ee (KCGS).
Saraakiishan ayaa u xil saaran ilaalinta badaha , haraha iyo webiyada si looga hor tago khatarrada ka imaan karo dhanka biyaha.
Waxaa barnaamij lagu wanaajinaya waxqabadka ciidamadan gacan ka gaysanaysa dowladda Canada .
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa kulan arrinkan ku saabsan la qaatay safiirka Canada ee Kenya ,Christopher Thornley.