Dhowr qof oo lagu dilay weeraro ka dhacay Nigeria

0
420

Wararka naga soo gaaraya dalka Nigeria ayaa sheegaya in dhowr qof lagu dilay weeraro laga gaystay wadankaasi.
Weerarrada ayaa lagu sheegay ilaa saddex .
Gobolka waqooyiga galbeed ee Kaduna ee Nigeria keliya waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 34 qof halka toddobo kale ay dhaawacmeen.
Sidoo kale gobolka Sokota waxaa lagu dilay 22 ka mid ah ciidamada ammaanka ee Nigerian.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falalkan oo ay fulisay koox hubeysan.