Dhowr qof oo lagu dilay waqooyiga Qaza

0
244

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay dugsiyo ay maamusho qaramada midoobay oo ku yaalla waqooyiga Qaza ayaa waxaa lagu dilay dhowr qof.
Dadka ku dhintay weerarrada lala eegtay dugsiyada uu ka midka yahay al-Fakhoora ee xerada qaxootiga ee Jabalia ayaa waxaa ku jiro carruur.
Dugsiga kale ee la duqeeyay ayaa ku yaalla xerada qaxootiga ee Tal al-Zaatar.